Askartii u horeysay oo ka socda Burundi oo dalkooda dib ugu laabtay

Askartii u horeysay oo ka socda Burundi oo dalkooda dib ugu laabtay

Illaa 200 askari oo ka tirsan ciidanka Burundi ayaa shalay laga daad-guureeyay magaalada Muqdisho, taasoo bilow u ah qorshaha 1,000 askari ee ka socda dalka Burundi ee looga saarayo Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Burundi ayaa xaqiijiyay in ciidamadan Khamiistii diyaarad looga qaaday magaalada Muqdisho, lana geeyay magaalada Bujumbura ee dalka Burundi

Ciidamo dheeraad ah ayaa maalmaha soo socda la filayaa in dib loogu celiyo dalkooda Burundi.

Dowladda Burundi ayaa walaac ka muujisay in ciidankeeda oo kaliya laga saaro Soomaaliya, waxaana ay ku hanjabtay in dhamaan ciidamadeeda ay ka saari doonto Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa dhowaan sheegay in illaa 1,000 askari oo ka socda Burundi laga saari doono Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah qorshaha Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika looga dhimayo Soomaaliya illaa dhammaadka sanadka 2020.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com