Askari Somaliland oo Toogtay Arday Puntland oo Dhiganayey Jaamacadda Cammuud Dharka Buluugga ee uu Xirnaa Darti

Askari Somaliland oo Toogtay Arday Puntland oo Dhiganayey Jaamacadda Cammuud Dharka Buluugga ee uu Xirnaa Darti

Askari ka tirsan ciidamada maamulka Somaliland ayaa toogasho ulakac ah u geystey arday dhiganayey Kuliyadda Culuunta biyaha (Water Engineering) ee Jaamacadda Camuud University ee magaalada Boorame.

Ardaygan oo ka soojeeda deegaanada Puntland gaar ahaana gobolka Bari ayaa la sheegay inuu sababsaday dharka uu xirnaa oo la sheegay inuu lahaa midabka calanka Soomaaliya ee Buluuga.

Wararka Warbaahinta Daljir ka helayso Boorame ayaa sheegaya in askarigan oo aragti ku toogtey wiilka oo doonayey inuu galo Jaamacadda uu dhiganayey sannadihii u danbeeyey.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com