Askari katirsan madaxtooyada oo lagu dilay Bosaso xilli madaxwayne Gaas uu booqanayay meel u dhow

Askari katirsan madaxtooyada oo lagu dilay Bosaso xilli madaxwayne Gaas uu booqanayay meel u dhow

Askari katirsanaa ciidamada madaxtooyada ee Puntland ayaa lagu dilay bartamaha magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana dilka uu kadhacay waddo laami ah oo gaadiidka gobolka Mudug ay ka baxaan gaar ahaana gaadiidka magaalada Gaalkacyo.

Kooxo hubaysan ayaa gaysatay falkan, waxaana dhawac uu kasoo gaaray askari iyo laba ruux oo dumar ah.

Ciidamada ammaanka ayaa sugayay ammaanka wadada oo uu meel u dhow gaar ahaana dowladda hoose ee Bosaso uu booqanayay madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com