Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo Darawal Mooto Bajaaj ku dilay magaalada Muqdisho

Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo Darawal Mooto Bajaaj ku dilay magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw lagu dilay isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeeysanaayay Mooto Bajaaj, kaasoo dilkiisa uu geystay askari ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Meydka wiilka dhalinyarada ah ee ku shaqeysanaayay Bajaajta ayaa mudo daqiiqado ah yaalay halka lagu toogtay, kadib markii ay diideen in la qaato meydka dhalinyaro kale oo u badnaa kuwa ku shaqeysta Mooto Bajaajta oo ka careysna dilka loo geystay wiilka Bajaajlaha ahaa.

Dhalinyarada ku shaqeysata Bajaajta ayaa isgoyska Howlwadaag ka bilaabay banaanbax rabshado wata oo ay uga soo horjeedaan dilka loo geystay wiilka Bajaajlaha ahaa, iyagoona dowladda ka dalbaday in lasoo qabto askariga dilka geystay oo la hor geeyo Cadaaladda.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka wiilka Bajaajlaha loogu geystay isgooska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana la tilmaamay wiilka la dilay in xilliga dilkiisa uu dhacaayay ay la socdeen xubno ka tirsan qoyskiisa oo mootada saarnaa.

Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaajta ayaa walaac xoogan ka muujiyay dilalka ay u geysanayaan ciidamada dowladda, waxayna ugu baaqeen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir iney wax ka qabtaan askarta dilalka joogta ah u geystada.

“Subax walba waxaan usoo shaqa taga inaan Bariis u raadsado caruurteyda, laakiin waxaa qoray wadada inoola taagan askarta oo naga qaada maalin walba $15 doolar oo aanan naga go’in hadana dil ayay inoogu sii dareen waa waxaan loo dulqaadan karin” ayuu yiri wiil ka mid ahaa dhalinyarada ka banaanbaxeysay dilka loo geystay goordhaw wiilka Bajaajlaha ahaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com