Askari horey u dilay Taliyihiisa oo maanta dil qisaas ah lagu fuliyeey

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland ayaa maanta oo khamiis ah dil ku fulisay askari shan sannadood ka hor si bareer ah u dilay taliyihii ilalaada garoonka diyaaradaha Boosaaso Marxuum Xasan Shire Ammaan.

Askariga xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa lagu magacaabi jirey Axmed Aadan Maxamed Gaagaale ayaa lagu toogtay meel fagaare ah oo ku taal magaaladda Boasaaso ee xarunta Gobolka Bari, waxaana qisaasta dilka fuliyay wiil uu dhalay Taliye Xasan Shire Aamaan.

Qoyska Taliye Xasan Shir Amaan oo goobjoog ahaa ayaa soo dhaweeyay fulinta xukunka qisaasta, iyagoo u mahadceliyay maamulka Puntland. Sidoo kale waxaa goojoog ahaa Guddoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka sida.

Alle u naxariiste Taliyaha Xasan Shire Ammaan oo masuul ka ahaa ammaanka Garoonka diyaaraha Bosaso ayaa waxaa 7 bishii December 2015kii toogtay askariga maanta dilka lagu fuliyay, kaasi oo markii dambe baxsaday. Askarigan oo muddo saddex sanno baxsad ahaa ayaa ciidamada amnigu soo qabtay sanadkii hore.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com