ASKARI DOOLOW KU DILAY ASKARI LABO KALENA DHAAWACAY

ASKARI DOOLOW KU DILAY ASKARI LABO KALENA DHAAWACAY

Askari ka tirsanaa ciidamadii dhawaan soo xarooday ee Cabdirashiid Xasan Nuur ‘Janan’, Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, kuna sugnaa Doolow ayaa caawa toogasho ku dilay askari kale oo ay isla xero ku sugnaayeen, labo kalena dhaawacay.

Askariga dhintay, kuwa dhaawacmay iyo kan weerarka geystay ayaa dhammaantood ka tirsanaa ciidamadii asbuuc ka hor ku soo xero galay heshiiska dawladeed, loona diiwaangeliyey ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Askariga toogashada geystay oo markiiba goobta ka cararay ayaa la tilmaamayaa horay in uu uga soo xarooday Al-Shabaab, muddana uu ka tirsanaa ciidamadii uu maamulayey Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur Janan.

Ciidamada amniga ee Dawladda, kuna sugan Doolow ayaa bilaabay hawlgal lagu baadigoobayo askariga weerarka dhimashada iyo dhaawaca askarta kale u geystay.

Weli lama xaqiijin karo askariga weerarka geystay iyo xiriirkiisa Alshabaab, iyo in falka uu geystay uu waji kale leeyahay.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com