Askar ku dhimatay Qarax kadhacay degaanka Wallanweyn

Askar ku dhimatay Qarax kadhacay degaanka Wallanweyn

Ugu yaraan 10 ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay halka labo kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii Gaari ay la socdeen ay haleeshay Miino Waddada la dhigay.

Guddoomiye ku xigeenka amniga Degmada Wanllaweyn ayaa u sheegay Warbaahinta in Gaari Ciidanka dowaldda ay wateen ay miino kula kacday inta u dhaxeysa Balli-doogle iyo Wallanweyn, halkaas oo uu khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada ayuu sheegay in ay ka soo baxeen Balli Doogle kuna jeedeen Muqdisho,waxaa uu sheegay in Dadka dhintay uu ka midyahay Taliye Urur oo ka mid ah guutada 6aad ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha geeriyooday ayuu magaciisa ku sheegay Mukhtaar Maxamed Caddoow oo ahaa ninka watay Ciidanka uu Gaarigooda Qaraxa haleelay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com