Askar ka tirsan Ciidamada dawladda oo Qarax lagula eegtay Balcad

Gobolka Shabeelaha Dhexe gaar ahaan  duleedka Degmada Balcad  ayaa saaka halkaa waxaa Qaraxyo lagula eegtay Askar ka tirsan Ciidamada  dawlada Soomaaliya .

Ciidamadan oo socdaal ku marayey deegaano ka tirsan  duleedka Magaalada Balcad,Qaraxa koowaad ayaa waxaa lala beegsaday Gaari nooca dagaalkaa ee uu saarnaa Sarkaal lagu magacaabo Cali Xuubey oo ka tirsan Ciidanka Melitaliga dawladda Soomaaliya ,waxaa uu qaraxu qabsaday xili uu marayey  tuulo ku taalla inta u dhaxaysa Haansheekh  iyo Ceel Geelow  iyadoona uu ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh .

Inta laxaqiijiyay waxaa ku dhintay hal Askari  halka midkalena uu ku dhaawacmay qaraaxaas .

Ilaahada wax war ah kama soobixin maamulka degmada  Balcad .


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com