Askar dil geeystay oo Maxkamada Ciidamadda lasoo tagay

Askar dil geeystay oo Maxkamada Ciidamadda lasoo tagay

Allaha u naxariistee Yaasiin Cali Saney oo mooto bajaajle ahaa ayaa u geeriyooday xabad uu ku dhuftay eedeysane Mahad Xuseen Shiidow oo ka tirsan ciidamada booliska degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, 27-kii bishii August ee sanadkan

Dhimashada Yaasiin Cali Saneey ayaa sababtay isku dhacyo u abaabulan qaab qabiil taas oo sii murjisay xaalada, waxayna dhalisay dhimashada Afar kale iyo Laba dhaawac ah.

Xaalad cakirnaan ah oo ay gashay magaalada Beledweyne ayaa sababtay in maxkamadda ciidamada loo yaaro si dadka loogu kala saaro sharciga, waxaana Beledweyne gaaray khubaro baarayaal ah iyo saraakiil ka tirsan maxkamadda.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa ugu horeyn weydiiyay Mahad Xuseen Shiidow jiritaanka eedaha ay soo jeediyeen xafiiska xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida.

“Mahad waxaa laguugu eedeynayaa inaad dil barer ah u geysatay marxuum Yaasiin Cali Saney oo ahaa wade mooto bajaaj, sidoo kalena dhaawac aad u geysatay Cabdi Dukow Maxamed, taariikhdu marka ay aheyd 27-kii bishii August 2018, dilkaas oo ka dhacay magaalada Beledweyne”. Ayuu yiri Gaashaanle Shuute.

Gaashaanle Abuukar Yuusuf Cabdi oo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah ugu tababaran baarista oo ka mid ah saraakiisha dowaldda u soo wakiilatay baarista wixii dhacay ayaa ka hor sharaxay garsoorka ciidamada qalabka sida natiijada baaristooda.

Diwaanka Wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com