“Arrin argagixiso weeye, arrintii dadka lagu jarayeyna weeye …laakiin waxaan aad uga xumahay ummadda oo aan weli ku baraarugin” Afhayeenka baarlamaanka Puntland.

Galkacyo, Sept 21 – Afhayeenka baarlamaanka Puntand C/rashiid M. Xirsi ayaa ku sifeeyey dilkii Xil. C/raxmaan Axmed Koodhaa oo shalay lagu dilay Galkacyo mid ay ka dambeeyeen kooxaha argagixisada ah sida Al-shabaab iyo Al-qaa’eda.

Afhayeenka ayaa walaac ka muujiyey sida ummadda Puntland aanay weli ku baraarugin falal-dambiyeedyada kooxaha xag jirka ah ee Al-shabaab ay ka fuliyaan gobollada Puntland, gaar ahaan Galkacyo.

Md. Xirsi waxaa uu ummadda ugu baaqay in ay meel uga soo wada jeestaan, iska dhiciyaan, si midaysanna ula dagaalamaan xookaha argagixisada ah ee ugaarsada in-doorka bulshada.

“In la suuliyo, ummaddu in ay u istaagto keliya ayaa meesha ka dhiman …inta taasi maqan tahayna laga dayn maayo biri-magaydhaba la jarayo” ayuu yiri Md. Xirsi.

Kooxaha argagixisada ah ayaa uu ku sifeeyey jariif xidada-bixis ah oo ay tahay in iyaga xididada loo bixiyo, dalkana laga sifeeyo.

Md. Xirsi ayaa tacsi u diray ehelka iyo asxaabta maxruum Koodhaa oo maanta lagu aasay magaalada Galkacyo.

Afhayeenka baarlamaanka iyo guuddoonka doorashada Puntland ayaa shalay dalka ku soo laabtay, safar hawleed maalmo qaatay oo ay ku tageen dalka Norway oo ay eegayeen sida ay u dhaceen doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dalka Norway.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com