Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata Malaysia oo ka tacsiyeesey qaraxii Muqdisho ka dhacay 14 bishan Oktoobar (Sawirro)

Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata waqooyiga dalka Malaysia ayaa si aad ah uga xumaadey qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee 14 bishan Oktoobar ka dhacay magaalada Muqdisho, kulan tacsi iyo duco ah ayaa lugu qabtay Jaamacadda Universiti Utara Malaysia (UMM).

Cabdicasiis Farxaan Dhoomis, guddoomiyaha ardeyda jaaliyadda Puntland ee waqooyiga dalka Malaysia oo ka mid ahaa dadka soo qaban qaabiyay kulanka wuxuu sheegay inuu ka naxay dhibka gaarey bulshada Soomaaliyeed,wuxuu inta ku darray dhibaatadda ka dhacday Muqdisho inay si isku mid ah u xanuujisey bulshada Soomaaliyeed.

” Waa dhacdo iyo masiibo naxdin leh, bulshada Soomaaliyeed ayaan la xanuusaneyna, ardeyda ku nool waqooyiga Malaysia iyo kuwa jaaliyadda Puntland waxaa ay bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaan dhibka.” ayuu yiri Guddoomiye Dhoomis oo inta ku darray ” Dhiibaatada sida siman u gaartay bulshada Soomaaliyeed waxaan rajeyn inay midnimo horseedo.”

Cabdiraxmaan Bashiir Geelle oo ka mid ah ardeyda wax ka barata Jaamacadda UMM, xubina ka ah ardeyda jaaliyadda Puntland ayaa dhankiisa sheegay ardeyda Soomaaliyeed inay garab taaganyihiin bulshada ay dhibaatadu gaartey ee Soomaaliyeed, wuxuu u mahadceliyay dowladda Puntland oo door muuqda ka qaadatay gurmadka la garsiiyay dadka ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxii Muqdisho.

“Ardeyda Puntland waxaa ay mar walba jacelyihiin dalkeenna inuu nabdoonnaado oo nabadgalyo iyo horumar uu gaaro si isku mid ah, dhibka hadda nagaarey wuxuu ahaa mid weyn oo qalbigeenna mar walba ku jiraya, laakin waxaan caddeynaya ardeyda Soomaaliyeed iyo bulshadeenna dhibka inuusan dib u dhigi doonin, waxaan rabaa si gaar ah inan ugu mahadceliyo dowladda Puntland ee gurmadka xoogga leh garsiisey Muqdisho,ardeydeenna waxaan garabkooda nahay bulshada ay dhibku gaartay.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Bashiir.

Bulshada Soomaaliyeed iyo caalamka oo dhan ayaa dareen murago leh ka muujiyay qaraxii Muqdisho ka dhacay,kaaso ay ku dhinteen dad ku dhow saddex boqol oo ruux, dhimashada ayaa ka dhigtay qaraxii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Muqdisho.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com