HomeUncategorized

Ardayda Puntland ee dalka China oo baaq xabad joojin ah ka soo saaray colaada Galkacyo.

Caption ...

R.Wasaare Cumar oo horgeeyey Baarlamaanka Qorshaha Guud ee Hannaanka Doorashada
Wasiirka kalluumaysiga ee Puntland oo ka xog warramay waftiga ka socda Puntland ee ku sugan Buuhoodle, Cayn.
Dhagayso Warkii Radio Daljir Caawa Arbaco 23 March 2016 Wariye Xassan Haykal 23 March 2016


Peking, Sept 03 – Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 3-da bisha 9-aad, 2011 waxaanu diraynaaa baaq xabad joojin ah dhinacyada ku dagaalamaya xaafada Garsoor ee magaalada Galkacayo.

Annago ah mustaqbalkii dalka, ubaxii wadanka, waxaanu aad iyo aad uga xunnahay dagaalka soconayey labada beri ee gaystay khasaaraha naf iyo maal leh ee u dhaxeeyay ciidamada qalabka sida iyo kooxo hubaysan ee jooga xaafada Garsoor, waaxanuna u aragnaa dagaalkaas ayaan darro, kugu dhimay oo kaa dhimay!

Waxaanu diraynaa baaqaan anaga oo rajaynayna in si deg deg ah loo fulin doono:
1. In dawlada Puntland iyo kooxda reer Garsoor ay xabadda si deg deg ah ku joojiyaan,

2. In waxgaradka reer Puntalnd & reer Mudug ay arinta dejinteeda ka qayb qaataan,

3. In dawlada Puntland talaabada militari ka hormariso wada-hadal & qaabab kale oo macquul noqon kara,

4. Hadii ay jiraan kooxo argagixiso ah oo liddi ku ah amniga gobolka Mudug iyo reer Puntland, kuna dhuumanaya Garsoor waa in ay reer Garsoor dadkaas u soo dhiibaan xukuumada Puntland, cidday doonana ha noqdaane,

5. Waa in laga digtoonaadaa in dagaalkan laga dhigo mid u dhaxeeya beel iyo dawlada Puntland,

6. Waa in shacabku ogaadaan in ay meesha dawlad ka jirto, amaanka wadankana ay masuuul ka tahay,

7. Waa in la ogaadaa in uu jiro cadow Puntland burburkeeda & daadinta dhiigga shacaba reer Puntland ku faraxsan,

8. Waa in wax kasta lagu dhameeyaa wada hadal iyo nabad sidii dadkan lagu yaqiinay.

Wabbillahi tawfiiq,
Guuul iyo gobanimo,
Dr C/fitaax Ciise X. Cumar.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: