Arday Deeq waxbarasho ka Helay Itoobiya oo la sagootiyay

Sabti, Oktoobar 24, 2015 (Daljir) — Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa magaalada Garoowe munaasabad sagootin ah ugu qabatay arday deeq waxbarasho kaheshay wadanka Itoobiya iyo kuwa mudo 7 cisho ah cilad bixinta Mashiinada daabacaada ku baranyey Puntland.

Munaasabaddaan saagootin ah ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, kuxigeenkiisa, madaxa Imtixaanaadka Puntland iyo qaybaha ardayda looqabtay xafladda.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Dr Maxamed Cali Faarax ayaa kudheeraaday muhiimadda ay deeqdaan waxbarasho leedahay iyo nidaamka caddaaladda ku salaysan ee ay dowladda Puntland ugu qaybiso guud ahaan ardayda kasoo baxda dugsiyada sare.

Pro. Abshir Aw-yuusuf Ciise wasiirka wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa kahadlay muhiimadda casharadii ay barteen ardayda labarayey cilad bixinta mashiinada daabacadda oo ka kala yimid guud ahaan gobolada Soomaaliya.

Dhanka kalena wasiirka ayaa ardayda dowladda Puntland u dirtay deeqda waxbarasho ku booriyey inaysan dayicin fursaddaha qaaliga, aqoontana dalka dib ugula soo laabtaan.

Inta badan khudbadihii laga jeediyey munaasabadaan ayaa waxaa diiradda lagu saaray muhiimadda deeqaha waxbarasho ee ay dayacaan ardayda Soomaaliyeed oo caadaystay inay socdaalka tahriibka ku bedeshaan fursadaha kana buuxiyaan kuwa kale ee u ooman.

By: Abdirashid 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com