Aqoonyahan Maxamed C/risaaq Maxamuud oo ka xog-waramay arrimo badan oo ku saabsan marxalada Soomaaliya.

Garoowe, 30 Maarso – 2016: Aqoonyahan Maxamed C/risaaq Maxamuud Abuubakar oo ka mid ah aqoonyahanada xogogaalka u ah marxalada Soomaaliya ayaa waraysi qoraal ah oo uu siiyay Mareegta Radio Daljir waxaa uu kaga hadlay arrimo kale duwan oo Radio Daljir ay wax ka waydiisay. Waraysigii ayaa u dhacay sidan:

Radio Daljir: Su’aasha 1aad –  Maxamed C/risaaq, maxaad ka aaminsantahay arrimaha doorashada 2016 ?

MCM: Waxaan aaminsanahay in doorasho ay dhici karto 2016.  Doorashadaasu waxay noqonaysaa mid ku timaada heshiis siyaasadeed ee ma noqon karto tii lagu ballanqaaday dastuurka oo ah qof iyo cod.  Si doorashadaas heshiiska siyaasadeed ku timid ay u dhacdana waa in madaxda Madasha Wadatashiga heer qaran oo kala ah Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyadu ay la yimaadaan halabuur, isu-tanaasul iyo iyaga oo danta guud iyo midnimada Soomaaliya ka hormariya siyaasadahooda gaarka ah.  Waxaan aaminsanahay in wakhtiga harsan in kasta oo uu aad u gaaban yahay uu hadana ku filan yahay in ay dhacdo doorasho qancin karta shacbiga.

Radio Daljir: Su’aasha 2aad – Ma waxay doorashadu noqonaysaa nidaamka 4.5 mise mid ka duwan?

Horta inta aanan laga hadlin 2016, waxaa waajib ah in dadwaynaha la xasuusiyo marxalada ay ku timid 2016, iyo waxyaabihii la soo maray.

Marka ugu horraysa arrinka 4.5 waxaa loogu talagalay in Soomaaaliya oo qarankeedii dumay in lagu soo aruuriyo oo siyaasiyan la isugu keeno dadkeedii colaadu dhexmartay oo ay qaranimadoodii dib ugu soo unkumaan. Sidaas darteed, waxaa loo arkay qaabka saamiqeybka 4.5 inuu noqon karay in qabaa’ilka badidiisu matelaad baarlamaanka ah ay ku heli kareen. Qabaa’ilaadka Soomaaliyeed qaarkood waxay sameeyeen tanaasul oo ma aysan helin saami ku salysan baaxadda degaankooda iyo dadkooda, walow aan tirakoob la qaadin, halka qabiilada qaarkoodna ay ku heleen kuraas ama saami ay ku qanceen.  Waxaa la wada ogsoon yahay in qaabka 4.5 uu yahay mid KMG ah, si loogu gaaro doorasho xor ah oo xalaal ah.

Nasiib-darro, uma suurtoobin dowladihii hore oo dhan in ay ka shaqeeyaan arrimahaasi mar-kastana amni daro iyo siyaasada oo aanan fadhiyin ayaa sabab u ahayd.  Haseyeeshee 2012-kii waxaa Garoowe lagu qabto shirwaynahii heerka qaran ee wadatashiga Dastuurka Soomaaliya kaas oo lagu cusboonaysiinayay ballanqaadkii ahaa in nidaamka ku-meelgaarka ah lago baxo, doorashada soo soctaana aysan noqon saamiqaybsiga 4.5. 

Xukuumadda Xasan Shiikh uu hoggaamiyo, inkasta oo ay ku dhawaaqday in Soomaaliya ay ku-meelgaarnimadii ka baxday oo eraygii “Ku-meelgaarka” laga saaray magaca xukuumadda iyo kan Baarlamaankaba, haddana si cad ayay ugu fashilantay in ay wax ka badasho qaabkii doorshada ee horay loogu heshiiyay. Weliba waxaa intaa u dheer in xukuumadda Madaxweyne Xasan ay ku fashilantay waajibaadkii ugu waaweynaa ee loo igmaday kuwaas oo khaasatan suurtogelin lahaa in laga gudbo 4.5.  Waxaana ka mid ah waajibaadkaas:

1 – Sugida ammaanka iyo xoraynta gobolada dalka oo dhan

2 – Dhammaystirka Dastuurka iyo afti u qaadidiisa

3 – Hirglainta nidaamka Federaaliisimka iyo dhismaha maamulada dalka

4 – Diyaarinta doorashooyin dadwayne oo qof iyo cod ah

Sidaas darteed ayaana keentay in xilligan weli laga hadlo 4.5 oo aysan suurtogal ahayn doorasho xor ah oo qof iyo cod ah in ay dhacdo 2016.

Radio Daljir: Su’aasha 3aad – Suurtogal ma tahay in mudada xilka loo dheereeyo xukuumadda?

Anigu ma qabo in ay taasi suurtogal tahay marka aan qiimayno dhowr arrimood oo kala ah:

  1. Go’aankii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC Res. 2232) oo hoosta ka xariiqay in aysan mudo kordhin Xukuumadda iyo Baarlamaankaba aysan dhicin.
  2. Xukuumadda, Baarlamaanka iyo madaxda Maamul Goboleedyada oo shirkii Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare ee ka dhacy Muqdisho 28-30 Luulyo isku raacay in ay sameeyaan Madal Wadatashi iyo mabaadii hagta geedisocodka dorashada 2016.
  3. Warmurtiyeedkii Madasha Wadatashiga ee Muqdisho Bishii Disembar 2015 oo ahaa 7 qodob kan ugu horeeyana ahaa in aan mudo kordhin la samayn doonin.
  4. Rabitaanka shacbiga ee isbaddal siyaasadeed.
  5. Khatarta khalkhal siyaasadeed ee ay keeni karto in intaas oo go’aan la garabmaro.

 

Radio Daljir: Su’aasha 4aad – Soomaaliya ma ka dhici kartaa 2016 Doorasho Xor ah

Doorasho qof iyo cod ah suurtogal ma ahan sannadkaan 2016.  Waxaa se suurtogal ah in ay dhacdo doorasho ay ka qaybgalaan dhowr kun oo Soomaali ah oo ah ergo doorasho kana dhacda dowlad goboleedyada sida ku xusan warmurtiyeedkii Madasha Wadatashiga ee Disembar 2015.  Waxaan in muddo ahba waday wadatashiyo iyo xog ururin ku saabsan sidii ay doorashada noocaas ah u dhici lahayd.  Waxaanse aniga iyo aqoonyahanno badan oo Soomaali ahba marka hore ka wardhowraynaa qorshaha ay soo diyaariyaan madaxda.  Kaddib waxaan ogaan karnaa in uu yahay qorshahaasi mid lagu qanci karo iyo mid aan talooyin ku kordhin karno. Doorashadaan tan ku xigta ee 2020 waxay noqon kartaa mid xor ah oo qof iyo cod ah.  Hase yeeshee waxay u baahan tahay in loo maro Geeddi-socod farsamo iyo mid siyaasadeed-ba oo leh tillaabooyin la yaqaano taas oo ay shuruud u tahay in uu jiro hoggaan daacad ah oo ay ka go’an tahay in ay dalka dimuqraadiyad gaarsiiyaan.

Radio Daljir: Su’aasha 5aad – Sidee la isku waafajin karaa Deegaan iyo 4.5?

Sida la isku waafajin karo waxay yeelanaysaa turjumaado kale duwan, cabbir siyaasadeed, laakiin se waxaa loo baahanyahay in uu ku salaysnaado wadar-ogol

Radio Daljir: Su’aasha 6aad – Waxaa maxay farriinta aad maanta u diraysid ummadda Soomaaliyeed?

Bulshada Soomaaliyeed farriinta aan u hayo waxay tahay in marxaladaha siyaasadeed iyo tan amni ee dalka iyo dadku ay ku jiraan in aysan marna illoowsiin midnimadooda. Midnimo Soomaaliyeed kaliya ayaa lagu soo celin-karaa Qaranimo Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

FG: Waraysigaan Mareegta Radio Daljir ay la yeelatay aqoonyahan Maxamed C/risaaq Maxamuud Abuubakar ayaa ku soo beegmay xilli aqoonyahanku safar wadatashi uu ku marayay Puntland. Waraysigu wuxuu ka dhacay magaalada Garowe, waxaana waraystay wariye Maxamed C/llaahi Cali Kooshin.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com