Aqoonyahan Maxamed Baldho oo ka hadlay baaqashada shirka DFS & dowlad goboleedyada (dhegayso)

Aqoonyahan Maxamed Baldho oo ka hadlay baaqashada shirka DFS & dowlad goboleedyada (dhegayso)

Maanta oo Axad ah bisha July na ay tahay 5 waxaa loo madlanaa magaalada Muqdisho in uu ka furmo shirkii dawladda dhexe ee federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah, kaasoo looga arrimin lahaa arrimaha taagan ee dalka oo doorashadu ugu horrayso.

Shirkaan oo uu iclaamiyey madaxwenaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa bilawgiiba madaxda dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalku ay aqbaleen qabashadiisa iyo ka qaybgalkkiisa.

Hayse ahaatee mar dambe ayaa wax is baddelaan, iyadoo Puntland ay horayba u shaacisay in isla markii madaxda dawladda dhexe ay ka baxeen waxyaabihii lagu ballamay, siiba intoodii daarranayd doorashada dawladda dhexe oo ay ka mid ahayd joojinta xeerarka ka gudbaya xukuumadda ee tagaya Baarlamaanka si loo ansixiyo, kuwaasi oo Puntland sheegtay in ay ahaayeen arrimihii shirka looga tashan lahaa, hakintoodana loo ballamay.

Dawladda dhexe ee Soomaaliya wax war ah kama soo saarin baaqashada shirkaasi loo madlanaa maanta in uu ka furmo Muqdisho, waxaana baaqashada shirku ay timid iyadoo isla maanta Muqdisho uu bannaanbax ka dhacay, kaasoo ciidamada amni hor istaageen sii socoshadiisa.

Maxamed Baldho waa aqoonyahan ka faallooda arrimaha siyaasadeed ee dalka, waxaana uu ka mid yahay madal ay ku midaysanyihiin aqaoonyahanno reer Puntland ah, madashaasi oo maanta soosaartay baaq quseeya arrimaha doorasho ee dalka iyo marxaladda kala-guurka.

Baldho, oo wareysi uu siiyey Radio Daljir uga hadlay doorashada iyo dadaal-yarida xagga dawladda dhexe, waxaana marka hore waydiiyey baaqoodii maanta wuxuu daarranaa.

Hoos kaga bogo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com