Aqoonyahan Cartan: “Shirarka Garoowe ee khilaafka DFS iyo Puntland waa boor-isku-qaris waana faashil” iyo jawaabta Puntland (dhegayso)

Aqoonyahan Cartan: “Shirarka Garoowe ee khilaafka DFS iyo Puntland waa boor-isku-qaris waana faashil” iyo jawaabta Puntland (dhegayso)

Madaxweyne Gaas 2014 fool-ka-fool Madaxweyne Gaas 2018

Aqoonyahan Cabdullaahi Maxamed Cartan oo kamid ah aqoonyahanka Puntland kuna sugan Bossaso ayaa wareysi uu siiyey Radio Daljir waxa uu ku sheegay in shirarka ay Garoowe ka waddo dowladda Puntland ee xukuumadda Madaxweyne Gaas kuna saabsan khilaafka u dhexeeya Villaa Soomaaliya (FDS) iyo Dowlad Goboleedyada ay yihiin shirarkaasi kuwo bulshada lagu jahwareerinayo.

Cartan ayaa intaas ku daray in maamulka Madaxweyne Gaas uu si buuxda ugu fashilmay shaqadii loo igmaday uuna hadda ku mashquulay dowladda federalka ee Soomaaliya, halkii uu u adeegi lahaa umadda dooratay ee reer Puntland.

“Dawladdda Puntland waxay waddaa boor isku qarin siyaasadeed” Aqoonyahan Cabdullaahi Maxamed Cartan

Aqoon yahan Claahi Cartan waxa uu u warramay Axmed Sh. Max’ed “Tallman oo ku sugan studiyeheenna Daljir Bossaso.

Hoos ka dhegayso

Jawaabta Puntland

Maamulka Puntland ayaa si kulul uga jawaabay eedeymaha loo jeediyey oo ah inuu ku fashilmay shaqadii loo igmaday, kuna mashquulay howlaha DFS.

Wasiirka Kalluumeysiga ee dowladda Puntland ahna guddoomiyaha guddi ay dawladdu u xilsaartay qabashada shirar la xiriira khilaafka u dhexeeya DFS iyo dowlad goboleedyada ayaa beeniyey warar soo baxayey oo sheegaya in ujeedada dhabta ah ee shirarkaas laga leeyahay ay tahay mid loogu duurxulayo doorashada Janaayo 2019 iyo bulshada oo runta iyo xaalka Puntland laga mashquulinayo.

Wasiir Xirsi oo asna wareysi jawaab ah siiyey Radio Daljir ayaa ku adkaystay in shirarkaani aysan ahayn olole doorasho, isagoo docda kalena ka hadlay sababta illaa iyo hadda ay dawladdu u magacaabi la’dahay guddigii xallinta khilaafaadka ee xulista baarlamaanka iyo halka uu ku dambeeyey qorshihii ay dawladdu horay u ballanqaaday, iyo waliba ballaanqaadkii Madaxweyne Gaas ee xoreynta gobolka Sool.

Mar kale Wasiir Cabdirashiid Xirsi waxa uu u warramay Axmed Shiikh Maxamed “Tallman.”

Hoos kaga bogo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com