Washington, Nov, 19 ? Aqalka baarlamaanka dalka Maraykanka ayaa markii ugu horaysay ansixiyay shirci cusub oo ku saabsan in maraakiibta dalka Maraykanku ay yeeshaan ilaallo ka difaacda weerarada kooxaha burcad-badeedda Soomaalida.
Sharcigaan cusub ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay Aqalka baarlamaanka Maraykanku si wayn uga doodayeen, waxaana arrintaan ay salka ku haysaa cabsida laga qabo hawl-galka afduubka burcad-badeeda Soomaalida oo aad u soo kordhay xilliga bad-furanka.
Madax-sare uu u hadashada dawladda Maraykanka ayaa waraysi ay siiyeen wargayska Wash ton Poste waxay tilmaameen inay marba-marka ka dambaysa sii kordhayso falalka afduubka maraakiibta ee kooxaha burcadda Soomaalida, waxaana madaxda u hadahay dalkaasi ay walaac xooggan ka muujiyeen arrimaha la xiriira afduubyada burcad-badeeddu ay u gaysanayaan shaqaalaha gar-gaarka ee hawlaha samafalka ah ka wada gudaha dalka Soomaaliya.
Sharcigaan ogolaanaya in maraakiibta ganacsiga dalka Maraykanka ee isticmaalaha badda Soomaaliya, iyo gacanka cad-meedba ayaa lagu tilmaami karaa waji cusub oo siyaasadeed, kaasi oo lagula dagaalamayo burcad-badeeda Soomaalida.
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
FAALLOOYIN & FALCELIN