Aqalka sare oo warbixin ka dhagaysanaya guddi uu usaaray khilaafka baarlamaanka

Aqalka sare oo warbixin ka dhagaysanaya guddi uu usaaray khilaafka baarlamaanka

Golaha wakiilada aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu dhagaysto warbixin kusaabsan khilaafka baarlamaanka Soomaaliya oo mowshin kasoo gudbiyay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, taasi oo dhalisay inay aqalka hoose ee baarlamaanka ku kala qaybsamaan.

Guddi katirsan aqalka sare ayaa loo saaray khilaafka baarlamaanka inay warbixin ka keenaan, iyadoona xubnaha aqalka sare ay isku dayayaan inay wada hadal ku dhameeyaan khilaafka soo kala dhexgalay aqalka hoose ee baarlamaanka iyo guddoomiyahooda.

Lama khilaafkan sababta dhalisay, iyadoo uu yimid maalmo kadib markii aqalka hoose ay isku raaceen inuu sharci darro yahay heshiiskii dekedda Berbera ee Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP World ee dalka Imaaraatka Carabta ay wada galeen.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com