Aqalka sare oo maanta ka doodaya sharciga labaad Aqrinta hindise sharciyeedka jaangoynta

Golaha Aqalka sare BFS ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku leh Xaruntooda, waxaana ay kaga hadlayaan Aqrinta labaad hindise sharciyeedka jaangoynta dalka oo ay u gudbisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya.

Fariin loo diray Senatarada Golaha waxaa lagu sheegay in fadhigooda maanta uu yahay Aqrinta labaad ee Hindise sharciyeedkaan oo horyaalla Aqalka sare, kadib markii ay meel-mariyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Senatarada waxaa hortagaya Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddiga KMG ah ee Aqalka sare u qaabilsan Ganacsiga oo kulankii kan ka horeeyay horgeeyay Golaha.

Fadhiyadii ugu dambeeyay ay yeesheen Senatarada Aqalka sare waxa ay ku ansixiyeen Hindise- sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka heer Federaal, Hindise Sharciyeedka Duulista Rayidka iyo Hindise Sharciyeedyo kale oo soo maray Golaha Shacabka BFS.

Sharciyada qaar ay meeel-mariyeen Golaha Aqalka sare BFS waxaa kahor yimid Maamulada Puntland iyo Jubbaland, halka kan doorashooyinka heer federal ay dhaliilsan yihiin Senatarada Haweenka ee golaha ku jira, kadib markii ay sheegeen in aysan caddeyn qoontadooda 30%, loona codeeyay iyaga oo diiday.

 

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com