Amniga Boosaaso oo aad loo adkeeyay Maalmaha Ciida (Sawirro)

Amniga Boosaaso oo aad loo adkeeyay Maalmaha Ciida (Sawirro)

Magaalada Boosaaso waxaa ka socda howlgalo amniga lagu xaqiijinayo oo ay wadaan ciidamada amniga ee gobolka Bari.
Howlgalkan ayaa ah mid socon doona inta laga gaaray maalinta ciidulfidriga ah si amniga shacabka loo ilaaliyo iyadoo laga hortagayo falalka ay maleegayaan kooxaha Argagixisada ah ee Al-shabaab iyo Daacish.

Saraakiil uu hor kacayay taliyaha qeybta Booliska gobolka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa kormeel ku tagay suuqa weyn ee magaalada Boosaaso halkaas oo ay kula kulmeen ganacsatada suuqa iyo shacabkii ka adeeganayay.

Ciidamada Booliska Gobolka Bari ayaa shacabka ka balan qaaday iney si wanaagsan u sugayaan amniga Magaalada Boosaaso, iyaga laga dulayo wada shaqeynta ka dhaxaysa ciidamada iyo shacabka.

Tan iyo markii ay bilatay bisha barakaysan ee Ramadaan waxaa aad loo adkeeyay amniga magaalada Boosaaso oo maalmihii udambeeyay ay shacabku ku naaloonayeen nabadgalyo.

Sawirro.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com