Ammaanka Baydhabo oo la adkeeyo iyo xildhibanadii shalay gaaray oo kulamo la qaadanaya dadka deegaanka

Baydhabo, March 17- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku soo waramaya in si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo ka dib markii shalay ay halkaasi gaareen xildhibaanadii ugu badnaa ee ka tirsan DF ee Soomaaliya.


Ciidamo isugu jira booliis iyo madani ayaa lagu daadiyay xaafadaha magaalada, waxaana la yareeyay dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka si loo xoojiyo amniga magaalada.


Xoojinta amniga iyo hawlgalada cusub ee ciidanka DF ee Soomaaliya ay billaabeen ayaa ka danbaysay ka dib markii shalay magaaladaasi ay gaareen xildhibaanadii ugu badnaa oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo gaara magaalo ka mida Soomaaliya.


Dhanka kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xildhibaanada maanta qaarkood kulamo ay la qaateen dadka deegaanka.


Magaalada Baydhabo ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyada ay wadaan mudanayaashaasi iyo siyaasiyiinta deegaanka, warar hoosana waxay tilmaamayaan inay socdaan shirar looga arinasanayo dhismaha maamul deegaankaasa.


Diiwaanka Wararka daljir
Baydhabo
(S)

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com