Site icon Radio Daljir

AMISOM oo war kasoo saartay dilkii Almaas Elman

Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa War kasoo saaray dilkii gudaha Xalane oo loogu geystay Almaas Elman Axmed oo aheyd diblomaasi hore iyo ruux u dhaqdhaqaaqa nabada Soomaaliya.

AMISOM Waxa ay xaqiijisay in xabad ay ku dhacday Almaas xilli ay kasoo baxday Shir ay uga qeyb gashay Xalane, islamarkaana ay dooneysay in ay aado garoonka Aadan Cadde, islamarkaana ay saarneyd kursiga dambe ee gaariga , Darawalkii iyo ruuxii kale ee la socdayna aysan waxba gaarin.

“AMISOM waxay si wada jir ah ula shaqeyneysaa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ciidamada amniga Soomaaliya si ay si buuxda ugu baaraan geerida naxdinta laheyd ee ku timid Marwo Almaas Elman Cali Axmed, oo ku dhacday rasaas 20-kii November ka dhacday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay AMISOM.

Exit mobile version