Site icon Radio Daljir

AMISOM oo war kasoo saaray miino ku qaraxday ciidamo Itoobiyaan ah

Taliska AMISOM ayaa beeniyay in khasaare gaaraya dhimashada sodon askari uu ka dhashay qarax ka dhacay deegaanka Ceelgaal ee gobolka Hiiraan shalay gelinkii dambe.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda miino dhulka la geliyay oo lala beegsaday ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaana dalka Itoobiya, iyagoona sheegay soddon askari inay ku dileen.

AMISOM waxaa ay sheegtay ciidamadan inay kusii jeedeen dalkooda, kaliya dhaawac kasoo gaaray afar askari oo xaaladdooda hadda lala tacaalayo.

 

Exit mobile version