AMISOM oo War Cusub Kasoo saartay weerarkii Naasa-hablood 2

AMISOM oo War Cusub Kasoo saartay weerarkii Naasa-hablood 2

Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii Sabtidii ina dhaaftay ka dhacay Hotelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisho.

Mr. Madeira ayaa marka hore wuxuu tacsi u diray Ehelada dadkii lagu laayay weerarka, isaga oo sidoo kale kuwii dhaawacmay ugu duceeyay in ay helaan caafimaad deg deg ah.

Wuxuu sheegay in uu ka murugoonayo ficilada is daba jooga ah ee lagu beegsanayo shacabka, kadib Qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa mid musiibo Qaran ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com