AMISOM oo Odayaal dhaqameed ku xirtay Buulo Burde

HomeWararka

AMISOM oo Odayaal dhaqameed ku xirtay Buulo Burde

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee ku sugan degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay Xabsiga dhigeen qaar kamid

Hay’adda lacagta ee IMF iyo Bankiga Adduunka oo sheegay in Soomaaliya ay u qalanto in daynta laga cafiyo.
Banaanbaxyo Rabashado wata oo Kasocda Daanta Galbeed ee Falastiniyiinta
Ciidamadda Amaanka DFS oo howlagalo sameyaay

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee ku sugan degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay Xabsiga dhigeen qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka degmadaas,kuwaas oo kasoo horjeestay Maamulka Hir-Shabeelle.

Odayaasha la xiray oo gaaraya ilaa Saddex ayaa kasoo horjeestay Maamulka Cusub ee degmada Buulo Burde ay dhawaan u soo Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle,kaas oo uu khilaaf ka taagan yahay.

Nabadoon Cali Cumar Qaansaweyne oo kamid ah waxgaradka degmada Buulo Burde ayaa sheegay Madaxda Hir-Shabeelle ay u sheegeen inaysan aqbaleyn Maamul ay si awood ah ku keenaan Madaxda Hir-Shabeelle.

Hayeeshee uu sheegay in taasi ay keentay in balantii ay la galeen Madaxda Hir-Shabeelle ay uga baxeen taas oo aheyd in wax Maamul ah aan markale loo soo Magacaabi Karin degmada.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Madaxda Hir-Shabeelle ay Odayaasha Dhaqanka ku dalbadeen Ciidamada AMISOM,isla markaana ay xireen Ciidamada Jabuuti Odayaal uu isaga ka mid yahay.

Xariga la sheegay in Ciidamada AMISOM ay u geysteen Odayaasha Dhaqanka degmada Buulo-Burde ayaa waxaa ay imaaneysaa xilli saakay degmadaasi uu ka dhacay banaanbax looga soo horjeeday Maamulka Hir-Shabeelle iyo Maamulka Cusub oo ay u soo Magacaabeen degmadaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 2
  • NuurkaNederland 4 years ago

    AMISOM WAA UUN GACANYARE SI HOOSE ULA SHAQEEYA ALSHABAB,OK,AMISOM & ALSHABABNA WAXAA ISKA LEH WAA CIA,MI6 IWM.
    WAXA LA DHEELAYAANA WAA GAME SIYAASADEED OO DHIIG BADANE AH!!!
    LKN WAXA GAME-ka LAGU CIYAARAYAA WAA DHIIGA SHACABKA SOMALIYED EE MASAAKIINTA AH.
    NOW YOU KNOWS,HADII KALE WIGLADA TUMO….

    • NuurkaNederland 4 years ago

      AMISOM WAA UUN GACANYARE SI HOOSE ULA SHAQEEYA ALSHABAB,OK,AMISOM & ALSHABABNA WAXAA ISKA LEH WAA CIA,MI6 IWM.
      WAXA LA DHEELAYAANA WAA GAME SIYAASADEED OO DHIIG BADANE AH!!!
      LKN WAXA GAME-ka LAGU CIYAARAYAA WAA DHIIGA SHACABKA SOMALIYED EE MASAAKIINTA AH.
      WHO REALY IS ISIS!!!!?
      I=ISRAEL
      S=SECRET
      I=INTELLIGENCE
      S=SERVICES.
      NOW YOU KNOWS,HADII KALE WIGLADA TUMO….

DISQUS: