AMISOM oo Dishay dad Rayid ah

Somalia, December 19, 2015-(Daljir)_ Ciidamada AMISOM ayaa shalay galab ay sheegeen dadka deegaanka Goolweyn oo ka tirsan gobolka Sh/hoose inay dadka Raydi ah dileen kadib markii gaari saarnayeen Kolonyao ka tirsan AMISOM qaraxa lala eegtay.

Kolanyo gaadiidka ee la qaraxa lala eegtay waxaa la socday Gudoomiyaha Degmada Baraawe waxaana la sheegay in qaraxu ahaa Ismiidaamin.

Mid kamid ah dadka deegaanka Goolweyn oo la hadlay Puntland Today ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay dileen Afar qof oo Rayid ah, Waxaa uu sheegay in mid kamid ah uu ahaa qof laga yaqaan deegaanka isagoo ku shaqaysan jiray gaari dameer.

Dhinaca kale Afhayeenka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Shiine ayaa beeniyay in Ciidamada AMISOM ay dad rayid ah dileen, isagoo xusay in qarax ay Al-Shabaab u diyaariyeen kolonyada Guddoomiyaha degmada Baraawe ay rasaas ku fureen.

Sanadkii hore Ciidamada AMISOM ayaa todobon qof ku dilay degmada Marka,Taliyayaasha AMISOM ayaana raali galin ka bixiyey dilkaas, iyagoo sheegay dilka dadkaas in loo xiray Askar.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com