Amiir al-Taani oo haddiyaddii badbaadinta Qadar guddoonsiiyey Madaxweyne Erdogan (sawirro)

Amiir al-Taani oo haddiyaddii badbaadinta Qadar guddoonsiiyey Madaxweyne Erdogan (sawirro)

Haddiyad badbaayo dheh!

Sida laga soo xigtay talafishanka dowladda Turkiga, Amiirka Qadar Amiir Shiikh Tamim bin Xamaad al-Taani ayaa waxa uu diyaaraddiisa goonida ah ee raaxada ahna Boeing 747-8 hadiyad u siiyey Madaxweynaha Turkiga Recep Erdogan. Diyaaradda ayaa ku fadhida qiimo dhan nus bilyan doolarka Mareykanka, hadde waa nus BILYAN ama $500,000,000 USD.

  Haalka shiraraka ee diyaaradda                                                             Haalka nasashada ee diyaradda

Qadar oo weerar dibloomasi iyo mid ganacsi ay ku qaadeen dowladaha Khaliijka oo ay hoggaaminayaan Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa badbaadiyey gurmadkii Turkiga ee Madaxweyne Erdogen iyo waliba garab-istaaggii dowladda Iran.

Qadar oo ah dal yar, laakiin safka hore kaga jirta dalalka adduunka ugu qanisan ayaa mar loo baqay jiritaankooda, illaa uu Madaxweyne Erdogan amray in ciidamadu Turkigu ay Qadar ku yeeshaan saldhigoodii labaad ee adduunka. Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh saldhig ciidan kan ugu weyn ee ay adduunka ku leeyihiin.

Turkiga iyo Iran ayaa sidoo kale hawadooda iyo garoomadooda u oggolaaday diyaaradaha Qadar Airways oo safka hore kaga jira diyaaradaha u kala goosha adduunka. Waxa kale oo ay maalmo gudahood dadka Qadar la soo gaareen dhammaan baahiyaha degdegga ah oo ay ugu horreeyaan biyaha iyo cunada.

Gacan-haadinta Turkiga kahor waxaa jirtay baqdin weyn oo laga qabay in xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadku ay wadeen qorshaha weerar lagu afgamninayo saldanadda Amiirka Qadar, Amiir Shiikh Tamim bin Xamaad al-Taani.

Haddiyadda Ammiirka Qadar ayaa loo arkaa haddiyad badbaayo iyo mahadnaq doorka Madaxweyne Erdogan iyo dowladda Turkigu ay ka qaateen badbaadinta Qadar.

  Qolka jiifka diyaaradda ee haddiyadda loo siiyey Madaxweyne Erdogan 

Diiwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com