Amb. Mahiga oo qoraal ku saabsan saamaynta/gurmadka abaaraha & qorshe hawleedka dawlada federaalka ah ee Somaliya u diray qurbajoogta Somalida.

UNITED NATIONS POLITICAL OFFICE FOR SOMALIA UNPOS

Nayroobi, 2 Agoosto 2011

As-Salaamu Calaykum,
Saaxiibada qiimaha badan,

Iga guddooma salaam diirran dhammaantiina meel kasta oo aad joogtaanba. Annagoo ku jirna billowga Bisha Ramadaan ee Barakeysan. Ramadaanku waqti towbad keen. Sidaa darteed, waxaa haboon inaad waraaq idiin soo qoro si aan idiinkaga warramo xaaladda uu hadda dalku marayo iyo anaan isu warrano.

Waqtigan aan idiin soo qorayo waraaqdan, fikirkaanaga dhammaantiisu wuxuu jiheysanyahay dadka sida xun ugu dhammaanaya macalluusha ka jirta. Dhab ahaantii, waa niyad jab inaad aragtid carruur gaajeysan oo waalidiintooda aan awoodin cunto ay siiyaan carruurtooda. Waxaa si aad ah noo murgiyay sheekookinya naxdinta leh ee ku saabsan dadka ku haray dalka gudihiisa iyo kuwa xeryaha qaxootiga u soo socday maalmo iyo toddobaadyo. Bahda Qaramada Midoobay waxay ku hawlantahay wax kasta oo ay qaban karto si ay dalka iyo gobolkaba gargaar u keento. Waxaan toddobaadkii hore ka qaybgalay kulankii degdegga ahaa ee ay Hay?adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO) ku qabanqaabisay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga loona qabtay dhibaatada baniaadanimo ee ka jirta Geeska Afrika, halkaasoo in ka badan 120 milyan oo doolar lagu ballanqaaday. Anigu nafteyda waxaan arkay diyaarad cunto ka qaadeysa magaalada Brindisi ee dalka Talyaaniga loona wado xeryaha qaxootiga.

Waxaan bogaadinayaa dadaalka dadka Soomaaliyeed ee dhaqaale u ururinaya isla markiina u diraya walaalahooda tabaaleysan. Intaan joogay magaalada Roma la kulmay jaaliyadda qurbajoogta Soomaaliyeed oo si xagar la?aan ah u ururinaya gargaar baniaadannimo oo markab ugu raraya gobollada ay abaartu waxyeelleysay. Dadkan waxay kaloo ay kordhiyeen lacagihii ay dalka u soo diri jireen ? arrintan aad bay ii taabatay. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dadka awoodda leh ee Soomaaliyeed iyo bulshada caalamkaba inay wax bixiyaan Bishan Ramadaan ee Barakeysan sic unto loo gaarsiiyo dadka gaajeysan loona daweeyo kuwa buka loogana hortago macluusha inay dalka ku sii baahdo.

Inkastoo aan ku jirno xilli aad u dhibaato badan, haddana rajo la?aan lama aha. Dhanka siyaasadda haddaan soo qaadano horumar la taaban karo ayaa la gaaray bilihii la soo dhaafay. Heshiiskii Kampala ee la saxiixay bishii June ee sannadkan ayaa lagu dhammeeyay ismariwaagii siyaasadeed ee curyaamiyay geeddi socodka nabadda. Mudane Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka heshiiyay oo meel iska dhigay khilaafkii u dhexeeyay kuna heshiiyay inay si wadajir ah isu la shaqeeyaan si loo dhammeystiro xilliga kalaguurka. Waxaan aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Uganda, Mudane Yoweri Museveni, oo ballanqaaday meelmarinta heshiiskan. Baarlamaanka Soomliyeed ayaa islamarkiiba taageero siiyay oo ansaxiyay heshiiska. Dareenkan iskaashiga ku saleysan wuxuu keenay in si dhakhsa ah loo soo xulo Golaha Wasiirada lana ansaxiyo ka hor intaan la gaarin muddadii ku qeexnayd heshiiska. Waxaan u hambalyeynayaa dhammaan intii ka qaybqaadatay heshiiskan.

Marxaladda hadda lagu jiro waa fursad. Dowladdu waa inay halkan sanno ku mujisaa inay ka dhabayso horumarka la doonayo in la gaaro. Aad bay u badan yihiin hawlaha haray in la qabto inta ka horeysa bisha Agoosto sannadka soo socda. Arrimaha hadda ugu muhimsan ee la doonayo in la qabtana waxaa ka mid ah ansaxinta Qorshe Hawleedka Dowladda taasoo muhimadda ugu weyn ay tahay dhammeystirka dastuurka ka dib marka la sameeyo wadatashi ballaaran. Waxaa kaloo loo baahanyahay in horumar la taaban karo laga sameeyo arrimaha kale ee muhimka ah sida wax ka qabashada amniga iyo in dibuhabayn lagu sameeyo Baarlamaanka iyo Xukuumaddaba. Islamarkaasna waa in horumar laga sameeyo arrimaha dibuheshiisiinta oo ay ka midtahay inay hay?adaha federaalka ahi wadahadal la sameeyaan gobollada.

Qaramada Midoobay, dhab ahaantii, dhinaceeda way ka qabanaysaa wixii hawl ah ee looga baahdo. Waxaanu gacan ka geysanaynaa diyaarinta Qorshe Hawleedka, kaasoo qeexaya hawlaha la qaban lahaa mustaqbalka, sida wax ka qabashada hawlaha siyaasadeed ee soo socda. Arrintan waxay u baahantahay dadaal loo wada dhanyahay, waxaana garwadeen ka ah madaxda Soomaaliyeed. Hase ahaatee, hawsha waxaa talo soo jeedin ku leh bulshada caalamka, gaar ahaan Midowga Afrika, Ururka Bariga Afrika, Ururgoboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Caalamka Islaamka. Arrintani waxay salka ku haysaa in kormeer lagu sameeyo horumarka laga gaaray Qorshe Hawleedka oo looga wadahadli doono lagu ogolaan doono shirka heerka sare ee lagu qaban doono Soomaaliya toddobaadyada soo socda.

Inkastoo uu jiro horumarkan aan soo sheegnay, haddana dagaalka dalka ka socda ayaa qayb weyn ka cayaaraya macluusha dalka ka jirta. Qaar ka mid ah kooxaha xagjirka ahi waxay wadaan hawlahoodii ahaa cabsigelinta dadweynaha si ay uga horistaagaan inay ka soo tagaan goobaha ay macluushu aad u waxyeeleysay. Waxaan ku baaqaynaa in hay?adaha gargaarka baniaadanimo shuruud la?aan loogu ogolaado inay gaaraan goobaha dhammaantooda si ay u qaybiyaan kaalmada aadka loogu baahanyahay. Dowladda Federaalka KMG Soomaaliyeed oo taageero ka helaysan ciidamada AMISOM ayaa hadda qaadaysa taallaabo sax ah oo ay ku qabsanaysa goobo ka mid ah magaalada Muqdisho si gargaarka loo gaarsiiyo goobahaas. Hase yeeshee, waxaa nasiib darro ah in dagaalladu ay socdaan iyadoo xaaladda baniaadanimo ay aad u liidato. Waxaa khatar la soo gudboonaata nolosha shaqaalaha hay?adaha gargaarka maadaama goobo badan oo dalka ka mid ah ay nabadgelyo la?aan ka jirto. Kooxaha nabad diidka ah waxay sii wadaan tabahooda argagaxiso si ay dalka u qasaan. Toddobaadkan dhexdiisa ayaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyeed, magaciisana la oran jiray Khalif Jire Warfaa, la toogtay isagoo ka soo baxay masaajid ku yaalla magaalada Muqdisho. Waxaan aad u cambaareynayaa falkaas fuleynimada leh.

Waxaan sii wadaynaa inaan idin garab taagnaano maalmaha adag ee soo socda. Ku dhowaad 30 ka mid ah shaqalaha xafiiskayga ayaa hadda ka hawlgala Soomaaliya. Aniga, ku xigeenkayga, Christian Manahl, iyo shaqaalahaygaba dhowr jeer ayaan socdaal shaqo ku tagnay Muqdisho si aan madaxda Soomaalida iyo dad kale oo fara badan ee Soomaaliyeed uga la hadalno arrimo kala gedisan. Waxaan joognaa Garoowe iyo Hargeysa, waxaanu xafiiskeena ku ballaarinaynaa dalka oo dhan. Waxaan rumeysanahay inay muhimtahay inaan waqtiganaga intiisa badan aan joogno Soomaaliya si aan ula socono xaaladda dalka ka jirta una ogaano fikirka dadka ku nool dalka gudihiisa. Socdaalka aan ku tagayno Muqdisho wuxuu sidoo kale na siinayaa fursad fiican aan kula kulano ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee ka kala socda dalalka Uganda iyo Burundi. Ciidamadan waxay hayaan shaqo aad u wanaagsan iyagoo ku jira duruuf aad u adag oo khatar ah. Waxaan ku boogaadinayaa geesinimada iyo naftiihurenimada ay muujiyeen.
Waxaan u soo jeedinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed, hadday joogaan dalka gudihiisa ama dibadiisaba, inay isla shaqeeyaan wadataageeraanna geeddi socodka nabadda, si ay wadahadal ugu dhammeeyaan wixii khilaaf ah oo haray. Waxaa la joogaa waqti uu jiro qalalaase aad u weyn, haddana waxaa jirta fursad aan mar kasta la helin. Waxaa la joogaa waqtigii gacmaha la isqabsan lahaa si loo kaalmeeyo dadka tabaaleysan loogana wada shaqeeyo aayaha ummadda Soomaaliyeed.
Aan ka faaideysto inta lagu jiro bishan barakeysan ee Ramadaan oo aan dhammaantiin idin iraahdo Ramadaan Kariim oo aan soo jeediyo rajahan ah: Ilaahey nabad ha keeno.

Walaalkiina,

Augustine Mahiga

P.O. Box 48246 ? 00100, Nairobi, Kenya Tel: +254 (0) 20 7626815 / 7626880. Fax: +254 (0) 20 7622697

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com