Amaanka magaalada Nayroobi oo aad loo adkeeyay

HomeWararka

Amaanka magaalada Nayroobi oo aad loo adkeeyay

Safaaradda Mareykanka ee Dalka Kenya ayaa Xalay soo saartay digniin ku aaddan suurtagal-nimada weerar Argagixiso oo ka dhaca Hoteellada waaweyn ee Mag

Soomaaliya oo Go’aan Geesinimo Leh ka Qaadatay Khilaafka Khaliijka Carabta
Fadeexad dul hoganaysa Xiriirka Kubadda cagta Puntland!
Wafdi Dowladda Puntland ka socda oo gaaray gobalka Gardafuu (dhegayso)

Safaaradda Mareykanka ee Dalka Kenya ayaa Xalay soo saartay digniin ku aaddan suurtagal-nimada weerar Argagixiso oo ka dhaca Hoteellada waaweyn ee Magaalada Nairobi.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Internetka ee Safaaradda ayaa lagu sheegay in la rumeysan yahay in la bartilmaamedsado Hoteellada caanka ku ah dalxiisayaasha iyo Dadka safarka ah ee howlaha ganacsi ku jira.

Safaaradda ayaa Dadka Dalxiisayaasha iyo kuwa kale ee ku sugan Hoteellada Magaalada Nairobi kula talisay in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Ammaanka magaalada Nairobi ayaa maanta aad loo adkeeyay waxaana ciidamada ammaanka lagu arkayaa goobo muhiim ah oo ku yaalla magaalada,si looga feejignaado weeraradaas ay ka digtay dowladda Maraykanka.

Al-shabaab ayaa ku han jabtay in ay weerar ku qaadi doonto dalka Kenya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: