Ammaanka Bossaso oo ka sii daraya iyo askar caawa la laayey (dhegayso)

Ammaanka Bossaso oo ka sii daraya iyo askar caawa la laayey (dhegayso)

Kooxo hubaysan oo aan haybtooda la sheegin ayaa caawa maqribkii waxa ay weerar ku soo qaadeen askar ka tirsan Ciidamada Booliska Gobolka Bari, kuna sugnaa barxada weyn ee ka soohorjeedka shirkadda Golis. Qaraxaas waxaa ku dhintay laba askari waxaana ku dhaawacmay askari.

Labada askari ee qaraxa ku dhintay ayaa kala ah Axmed Aadan Jaamac (Salo) iyo Bucurde Jaamac Gaab oo labaduba ka tirsanaa ciidamada Buuraleyda Galgala ee dagaalka kula jira kooxda al-Shabaab ee Buuraleyda Silsiladda Golis. Askariga saddexaad oo dhaawac culus uu madaxa ka gaaray, horayna dhaawac dhabarka ahi uu Galgala ka soo gaaray ayaa isna ka tirsanaa isla ciidamada buuraha Galgala.

Bishii la soo dhaafay ee Noofembar iyo tan hadda dhammaadka ah ee Diseember ayaa ahaa laba bilood oo amni-xumida Bossaso ay gaartay heerar cusub, dhan qarax, dhaawac, iyo waliba dilal joogto ah. Intaas ayaa haddana waxaa feer socda ayada oo duleedka Bossaso ay ka dheceen dagaalo u dhexeeya labada kooxood ee al-Shabaab iyo Daacish (ISIS).

Ammaanka Bossaso ma ah mid ku kooban qarax, dhaawac iyo dilal lala beegto nindoorka Puntland ee waa mid wata hanjabaado lid ku ah ganacsatada Bossaso iyo canshuuro cusub oo ay soo rogeen kooxo loo malaynayo in ay yihiin isla kooxaha Daacish (ISIS) iyo al-Shabaab.

Radio Daljir oo xiriir la samaysay saraakiil ammaanka Puntland oo ka gaabsaday in magacooda la sheego ayaa dagaalka u dhexeeya labadaas kooxood la xiriirinaya canshuuraha ay qolo walbaa ku soo rogtay ganacsatada Bossaso.

Sidii aan barnaamijyadeenii hore ee ammaanka Bossaso ku shaacinay, dilalka iyo iskudayada dil kuma koobna kuwo lala beegsado nindoorka Puntland, laakiin waxaa jira kuwo si gaar ah loola beegsado Ciidanka Canshuuraha ee degmada Bossaso. Radio Daljir oo xiriir la samaysay qaar ganacsatada suuqa Bossaso ayaa noo xaqiijiyey in Ciidanka Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Bossaso ay cabsi darteed diideen in ay suuqa canshuur ka soo aruuriyaan. Markii aan ganacsatada weydiinay, “yaa hadda canshuuraha dowladda hoose idin ka aruuriya” waxa ay noogu jawaabeen, “Dowladda Hoose ee Bossaso waxa ay qoratay oo shaqaalaysiisay dumar indhoshareeran, ayagaana hadda si qarsoodi ah nooga aruuriya canshuuraha Dowladda Hoose ee degmada Bossaso.”

Tan iyo bartamihii sannadkaan ayaa shacabka Bossaso iyo dhammaan Puntland waxa ay isweydiinayeen cidda masuulka ka ah oo lagala xisaabtamayo ammaanka Bossaso. Illaa iyo hadda sida ka muuqata ammaanka Bossaso ma jiro wax iska badalay xisaabtankii shacabku dalbaday.

Tan iyo intii ay wiiqmeen ciidamada Booliska Puntland, siiba kuwa Bossaso, Taliyihii Qaybta Gobolka Bari Cabdixakiin Yusuf waxa uu isku sharraxay Xildhibaan Gobolka Mudug, ammaanka Puntland-na waxaa si toos ah ula wareegay Ciidamada Ammaanka Puntland ee loo yaqaan Puntland Security Force (PSF). PSF waxaa maalgaliya Dowladda Mareykanka, siiba Ciidamada Qalabka Sida ee Mareykanka iyo Taliskooda AFRICOM ee Stuttgart, Germany, toosna hadda u hoosyimaada Taliska CJTF-Horn of Africa (@CJTFHOA)

Ciidamada PSF waxaa bilo kahor taliye u ahaa Mudane Assad Cismaan Cabdullaahi oo hore booska ugala wareegay aabbihii Taliye Cismaan Diyaano, haddana ah Musharrax Madaxweyne Puntland sannadka 2019. Musharrax Assad ayaa xilkii taliye ee ciidamada PSF-ta ku wareejiyey walaalkiis Maxamuud Cismaan Cabdullaahi Diyaano.

Dilka caawa ee labada askari ee magaalada Bossaso iyo dhaawaca halka askari oo dhammaantood ay ka tirsanyihiin ciidamada argagixiso la diririka ee buuraleyda Golis ayaa waxaan weli ka hadlin Taliska Booliska Puntland iyo Taliska Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF-ta.

Radio Daljir oo ammaanka Puntland, siiba kan magaalooyinka Bossaso iyo Gaalkacyo, qoraalo iyo barnaamijyaba kaga hadashay waxaa si joogto ah u soo foodsaara hanjabaado, xabado nool oo lagu riday Agaasimaha Guud ee Radio Daljir, iyo waliba cagojuglayn ka timaada saraakiil iyo ciidamo ammaanka Puntland ee PSF-ta.

Amni-xumida, hanjabaadaha lala beegsado ganacsatada iyo dilalka joogtada noqday ee nindoorka Bossaso waa kuwo shacabka Puntland ay xilli doorashadaan isku weydiinayaan “yaa mudan in lagula xisaabtamo ama lagu abaalmariyo amnixumida magaalada Bossaso?”

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 3
  • Askarta allaha u naxariisto

  • Talaboyin ligi ku ah koxahan in laqado walagu qasban yaha. Sida muqdisho kale in askartu labo labo isu raacdo. Iyo in bandow an waqtigisa lashacin maqribadi la howl galsho ayado shacab la ilaalinayo. In askar dharcad ah oon la aqoon magalada lakeno una hubaysan sida kooxahan oo kale.

  • Xaamid 5 years ago

    War waxaan gaala dabada ka wade waliba ethopia cadiwga so jireenka ah we somaliyA

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com