Alshabab oo sheegtay Masuuliyada weerarkii Muqdisho

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii xooganaa ee caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ciidamada DFS ayaa soo gaba gabeeyay howlgalkii lagula dagaalamayay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen xarumo badan oo magaalada Muqdisho ah.

Laakiin War kasoo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid meelo kala duwan ay la bartilmaameedsadeen.

Qoraal kasoo baxay Shabaab ayaa lagu yiri “Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Shabaabul ayaa caawa maqribkii howlgal ballaaran ku beegsaday xarumaha iyo isku imaatinnada Dowladda Federaalka ee ku yaalla goobaha aadka loo ilaaliyo ee magaalada Muqdisho”.

Shabaab oo Warkaan ka baahiyay Idaacada Andalus ayaa soo xiganeysay sargaal Shabaab ah oo weerarkii Muqdisho ka qeyb qaadanayay.

Meydka mid ka mida Dableydii Alshabaab oo ku lebisan Dareyskii ugu danbeeyay ee ciidamada
Shabaab oo faah faahiyay qaabkii uu weerarka udhacay ayaa yiri “Weerarka waxaa lagu daah furay Camaliyaat Istish-haadi ah oo lala beegsaday xarumo gaar ah ka dibna ay ciidamada mujaahidiinta waxey ku faafeen xarumaha cadowga” .

Idaacada Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in xarumaha la bartilmaameedsaday ay muhiim u ahaayeen dowlada.

Sidoo kale, Shabaab ayaa sheegtay iney bartilmaameedsadeen hoteelka dhawaan la daah furay ee Doorbin (EX Baar Fiyaat).


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com