Alshabaab, “Waxaan Dilney Askar Ciidamada Dowladda Soomaaliya”

Alshabaab, “Waxaan Dilney Askar Ciidamada Dowladda Soomaaliya”

Kooxda Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday inay dileen labo kamid ah ciidamada dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo marayey gobolka Shabeellaha hoose.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in askartaasi ay soo raaceen gaari PL ah oo kasoo baxay degaanka Biyadda Cadde, islamarkaana kusoo jeeday degmada Mahadaay.

Malayshiyaad katirsan kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay in jidka ay u galeen Ciidamadaasi ,islamarkaana ay la degeen ka dibna ay gowraceen.

Ciidamada la laayey ayaa magacyadooda lagu kala  sheegay Mowliid Xuseen Qeylshe iyo Axmed Yacquub waxayna ka tirsanaayeen guutada 5-aad ee melleteriga DF-ka sida ay sheegeen warbaahinta taageerta Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • alshabaab waxay ku faanayaan dhiiga dad muslim ah waana nasiibdaro haysata umada somaaliyeed sababta oo ah ciidanka dawladu waa dhalinyaro somaaliyeed