Maxkamad hoostagta Xarakada Al-shabaab kuna taalla Gobolka Shabeellaha hoose ayaa xukun gacan gooyn ah ku fulisay wiil 19 jir ah oo lagu eedeeyay in uu hanti badan xaday.
Maxkamadda Al-shabaab ee degaanka Kuunya barrow ayaa waxaa ay gacanta ka goysay C/Fitaax Cismaan Axmed oo 19 jir ah,kaas oo lagu eedeeyay in 5; Guri oo ku yaalla degaankaas uu ka xaday lacag dhan $5,000 oo Doollar,Taleefanno,Computerro iyo hanti kale.
Qaaddiga Maxkamadda Al-shabaab ee Kuunyabarrow ayaa eedda C/Fitaax ka aqriyay fagaaraha la isugu keenay dad badan oo akq eybgalay waxaana uu xusay in wiilka 19 jirka ah uu qirtay eedda loo soo jeediyay sidaasna loogu fuliyay Xukunkiisa.