Alshabaab oo xaqiijiyay in ay la wareegeen deegaan ka tirsan gobolka Sanaag

Alshabaab oo xaqiijiyay in ay la wareegeen deegaan ka tirsan gobolka Sanaag

Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalamayaal ka tirsan oo gaaray deegaan ka mid ah gobolka Sanaag.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa daabacday inay la wareegeen deegaanka Gacan-maroodi oo ka tirsan degmada Yubbe ee gobolka Sanaag.

Shabakada lagu magacaabo Shahaada ayaa daabacday in Axadii aynu ka soo gudubnay ay si rasmi ah ula wareegeen deegaanka Gacan-Maroodi oo qiyaastii 50KM u jirta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Sidoo kale waxaa bogga taageera Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay sawirka dagaalamayaasha Al-shabaab oo gudaha u sii galaya deegaankaasi.

Ururka Al-Shabaab oo hore aan u joogin gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee ay ka gudbaan deegaanada Puntland oo ay saldhigyo ku leeyihiin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    ALSHABAB WAA MARAYKAN.
    MARAYKANA WAA ALSHABAB.{HA LAYAABIN}.
    SHACABKA SOMALIYEDNA WAA KUWA DHIIGOODA GAME-ka LAGU CIYAARAYO.
    ARGAGAXISO OO DHAN WAXAY HOOS TAGTAA WASHINGTON DC & TEL AVIV.
    WE KNOWS.
    I SAID:TERROR IS NOT MUSLIMS & ISLAMIC…100% sure.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com