Alshabaab oo Weraar ku qaaday degaano katirsan Kenya

Alshabaab oo Weraar ku qaaday degaano katirsan Kenya

Kooxda Al-shabaab ayaa xalay Weraar ku qaaday deegaanka Fino ee hoostaga Magaalada Mandheera, Saraakiisha Ciidamada Booliska ee Kenya ayaa xaqiijiyay in dagaalkaas oo muddo kooban socday ay kaga dhinteen 2 Askari oo Booliis ah.

dhinaca kale dhowr askari oo Booliis ah ayaa laga baqayaa in ay dhinteen ka dib markii lawaayay, waxaana loo maleynayaa in gacanta u galeen dagaalamayaaasha Al-shabab.

Saad Sheekh Axmed oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa soo warisay geerida shan askari waxaana sidoo kale ay sheegtay in ay ka cabsi qabaan in lagu aasay waxyaabaha qarxa xeradaasi ciidan ee weerarka uu ka dhacay.

Taliyaha ciidamada Booliiska Kenya ayaa sheegay in hadda deegaankaasi ay u direen ciidamo dheeraad, maadaama nolosha lagu la`ayahay qaar ka mid ah ciidamadooda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com