Alshabaab oo sheegay inay dileen sagaal Askari oo kenyaan ah

Alshabaab oo sheegay inay dileen sagaal Askari oo kenyaan ah

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar shalay duhurkii ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari Kenya ay ku dileen illaa sagaal askari oo ka tirsan Ciidanka Kenya, kuna gubeen gaadiid dhowr ah.

Al-Shabaab ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen meel ku dhow Saldhigga Ciidanka Kenya ku leeyihiin deegaanka Ceelraam, xilli ay halkaas ka soo baxeen Kolonyo ka tirsan Ciidanka Kenya oo ku soo jeeday degmada Ceelwaaq ee Soomaaliya.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in afar ka tirsan gaadiidka gaashaaman ee Ciidanka Kenya ay ku gubeen dagaalka, ayna dileen sagaal askari.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Kenya, hase ahaatee Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weeraro ka geystay deegaano dhaca xuduuda labada dal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com