Alshabaab oo sarkaal ku dilay Muqdisho

Alshabaab oo sarkaal ku dilay Muqdisho

Al-shabaab ayaa sheegatay in sarkaal ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya ay saaka ku dileen Xaafadda Jaamacadaha ee Degmada Hodon.

Sarkaalka la dilay ayey Al-shabaab magaciisa ku sheegeen Farxaan Xuseen Barkhadle oo labo xiddigle ahaa sida ay sheegtay Al-shabaab.

Majiro ilo ka madaxbanaan Al-shabaab oo xaqiijinaya dilka sarkaalkaas ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya,waxaana Shabaabku sheegeen in Ciidamo iyaga ka tirsan toogteen.

Kooxda dilka geysatay ayey sheegeen in ay isaga baxsadeen goobta ay falkaas ka geysteen oo ku dhow dhismihii hore ee Jaamacadda Gaheyr ee Magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com