Alshabaab oo odayaal dhaqameed ku dilay koonfurta Mudug

Alshabaab oo odayaal dhaqameed ku dilay koonfurta Mudug

Kooxda Al-Shabaab ayaa Odayaal dhaqameed ku xirxiray deegaano dhaca Koofurta gobolka Mudug, iyadoo xiisad ka dhalatay xarigga odayaashaas ay ka taagan tahay deegaanadaas.

Odayaasha xiran oo tiradooda lagu sheegay 18 ayaa laga qab qabtay deegaanka Warshubo iyo tuulooyin hoostaga, iyadoo dadka la xiray ay ahaayeen kuwo si aad ah looga yaqaanay gobolka Mudug.

Saraakiisha Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Mudug ayaa Odayaasha amray inay muddo kooban ku keenaan dhalinyaro hubkooda wata, kuwaasoo ka qeyb qaata dagaalada ay ka wadaan qeybo ka mid ah dalka.

Marka ay dhamaatay mudada la siiyay Odayaasha ayna kaga soo jawaabi waayeen fariinta Shabaab, ayaa waxaa lagu amray in xabsiga loo taxaabo, kaddib markii ay hoggaansami waayeen amarkii Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya iney jiraan dhalinyaro is hubeeyay, kuwaasoo ehel la ah Odayaasha xiran, waxaana laga cabsi qabaa in deegaanka Warshubo iyo tuulooyinka hoostaga ay ka qarxaan dagaalo.

Shabaab oo dhankooda qaba walaaca arintaas ayaa ciidamo dheeraad ah ka keenay Saldhigga ugu weyn Shabaab ee gobolka Mudug oo ah Xarardheere, waxeyna geeyeen deegaanada ay xiisada ka taagan tahay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NUURKANEDERLAND 5 years ago

    WHO REALY IS ISIS & ALSHABAB!?.
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ISIS LEADER ALBAGHDADI ex-name(AKA ELLIOTE SHIMON)HE IS ISRAELIAN INTERNATIONAL TERRORIST & MISSIONRY.
    IS NOT MUSLIMS.sure.IWEYDII ANIGA.
    AlSHABAB+MI6+CIA=ONE…
    THEY ARE DEALER’s is not Muslims.sure.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com