Alshabaab oo Gubay Gaari Dameero usidey Cunto Magaalada Waajid

Alshabaab oo Gubay Gaari Dameero  usidey Cunto Magaalada Waajid

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa waxaa ay gubeen oo ay dab qabadsiiyeen gaari Dameero raashin u waday, kuna sii jeeday magaalada Waajid ee gobolka Bakool.
Wararka ayaa sheegaya in illaa sagaal gaari Dameer iyo raashinkii saarnaa ay gubeen,sidoo kalana ay toogasho ku dileen dameeradii xoogaga Al-Shabaab, hase yeeshee waxaa ka baxsaday dadkii waday gaari dameerada oo marayay deegaanka Ceel-Boon ee gobolka Bakool.

Ma ahan dhacdadan mid ugub ah, waxaana muddo siddeed sano ah Al-Shabaab ay go’doon ku heysay degmada Waajid iyo deegaanada hoos yimaada, iyada oo arrintaasi saameysay dadka shacabka ah.

Bakool ayaa ka mid ah gobollada dhaca koonfurta dalka, isla-markaana ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab oo weeraro ka fulisa qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com