Alshabaab oo fariisimo Cusub la wareegay

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaallo culus oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig Millateri oo ku yaalla deegaanka Mashalaay ee dhaca duleedka degmada Qoryooley.

Dagaalka oo muddo ka badan Hal saac si xiriir ah u socday ayaa soo gaaray xalay maqribkii, iyada oo uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka.

Dad ku sugan magaalada Qoryooley ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo hugunka rasaasta oo labada dhinac is dhaafsanayeen.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com