Allaha u naxariistee waxaa goor dhaw Gaalkacyo lagu dilay guddoomiyihii xaafada Horumar Muuse Aadan.

Gaalkacyo, Nov, 22 ? Waxaa maantay magaalada Gaalkacyo lagu dilay Allaha u naxariistee guddoomiyihii xaafada Hormar Muuse Aada, xilli uu ku sugnaa xafiiskiisa.

Warar is-khilaafsan ayaa illaa iminka ka soo baxaya habka uu u dhacay dilka loo gaystay marxuun Muuse Aadan, waxaana loo badinayaa in dablay hubaysan ay rasaas kula beegsadeen xafiiskiisa xilli uu ku guda-jira hawlo shaqo oo la xiriira hormarinta xaafada.

Warar ay Radio Daljir ka helayso dad goob-joogayaal ah ayaa ku waramaya in xilligii dilku uu dhacay kaddib, ay goobtaasi soo gaareen ciidamo madani ah iyo ciidan ka socda kuwa ammaanka gobolka, balse ay ku guul-daraysteen inay gacanta ku soo dhigaan dhagar-qabayaashii ka dambaysay dilkaasi.

18-kii Novembar, ayay ahayd markii majid lagu magacaabo Dul-qarnayn lagu dilay xilli uu salaad maqrib kasoo baxay sargaal u shaqaynayay hay?adda Norwegian Refugee Council ?NRC? oo lagu magacaabi jiray Axmed Jamac Cawad.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sxb dhaw la noqotay dilalka qorshaysan iyo waxyeelada dadka birimagaydada ah, waxaana dawladda Puntland ay ku fashilantay inay sugto ammaanka magaalada Gaalkacyo.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com