Al-shabaab oo xayiraad ku soo ragtay 16 hay?adood oo ka hawl-gali jiray deegaano badan oo ay ka taliyaan.

Baladwayne, Nov, 28 ? Warar qoraal ah oo lagu shaaciyay barta internetka, gaar ahaan websate-ka ku hadlay afka kooxda Al-shabaab ayaa sheegaya inay shaqadii ka joojiyeen 16 hay?adood oo ka hawl-gali jiray deegaano badan oo Al-shabaab ka taliyaan lagu soo rogay xiyiraad iyo shaqo joojin cad.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska la socodka hay?addaha ajnabiga ah OSOFA ee kooxda Al-shabaab ayaa lagu sheegay tilaabadaan inay ka dambayso, kaddib markii ay heleen xogo caddaan ah oo qeexaya hay?adahaasi inay deegaanadaas ka wadaan hurun dagaaleed iyo hawlo basaasnimo ah, isla markaana ay taageerayaan hawlgalada lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab. Sida warbixinta lagu shaaciyay.

Warar ka madax-banaan kooxda Al-shabaab oo aan la hubin ayaa ku waramaya in liiska hay?adahaasi laga mamnuucay goobaha ay ka taliyaan kooxda Al-shabaab ay ka mid yihiin

1. Hay?ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR.
2. Ururka Caafimaadka Adduunka WHO.
3, Hay?ada Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta (Unicef).
4: Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan dadka. (UNFPA).
5. United Nations Office for Project Services (UNOPS)
6. Food Security and Nutrition Analysis Unit (FSNAU)
7. Norwegian Refugee Council (NRC)
8. Danish Refugee Council (DRC)
9. Hay?adda Concern
10. Norwegian Church Aid (NCA)
11. Cooperazione Internazionale (COOPI)
12. Swedish African Welfare Alliance (SAWA)
13. German Agency For Technical Cooperation (GTZ)
14. Action Contre la Faim (ACF)
15. Hay?adda Solidarity
16. Hay?adda wadaniga ah ee Saacid iyo qaar kaleba.

Maahan markii ugu horaysay oo kooxda Al-shabaab ay xayiraad ku soo rogto hay?addo ka tirsan Qaramada Midoobay iyo kuwo ka madax-banaan oo ka hawl-gali jiray deegaannada ay ka taliyaan, waxaana amarkaan uu kusoo beegmayaa xilli ay sii dabar-go?ayso heerka macaluushii ka jirtay dalka, balse ay jirto wali nafaqo daro ka taagan gobollada koonfurta Soomaaliya.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com