Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhiga ciidamada Itoobiya ee gobolka Hiiraan

Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday saldhiga ciidamada Itoobiya ee gobolka Hiiraan

Warararka ay idaacada Daljir ka helayso gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi maanta uu dagaal xoogan uu ku dhexmaray xarakada Al-shabaab iyo ciidamada Itoobiya.

dadka deegaanka oo aan xiriir la samaynay ayaa noo xaqiijiyay in Al-shabaab saaka waabarigii ay weerar culus oo ku bilowday qarax iyo rasaas xoogan ay ku soo qaadeen saldhiga ciidamada itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinacba soo kala gaaray.

lama oga ilaa iyo haatan tirada dhimashada iyo dhaawaca ee soo gaaray ciidamada Itoobiya ee weerarka lagu soo qaaday,mana jirto dhanka kale wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolka Hiiraan.

Dhanka kale Al-shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in saldhigaasi ay ku dileen ciidamo farabadan ayna ku furteen hub iyo saanad milatari.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    ALSHABAB WAA MARAYKA.
    MARAYKANA WAA ALSHABAB.
    F A H A M T U.
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    ISIS MADE ISRAEL=AL-YUHUDIYAH GROUP’s…
    ISN’T MUSLIMS.
    ARGAGAXISO OO DHAN AXAY HOOS TAGTAA WASHINGTON DC & TEL AVIV.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com