Al-shabaab oo war ka soo saaray Nabadoon xalay lagu dilay Gaalkacyo

Al-shabaab oo war ka soo saaray Nabadoon xalay lagu dilay Gaalkacyo

Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa ay ku dileen mid kamid ah Nabadoonada Gobolka Mudug.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Nuur Geesdiir, iyadoo kooxda ay ka baxsatay goobtaasi.
Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada weerarkii lagu dilay C/raxmaan Geesdiir, iyagoona sheegay in Marxuumka uu ahaa Guddoomiye ku-xigeenka xaafadda Garsoor, isla markaana wada shaqeyn dhow uu lalahaa Saraakiisha Ciidamada PS-ta Maamulka Puntland.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga ee gobolka Mudug oo ay uga hadlayaan dilkii xalay magaalada Gaalkacyo loo geystay Guddoomiye ku-xigeenka xaafadda Garsoor.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com