Al-shabaab oo Twitter-ka ku shaaciyey magacyada ragga haysta gurriga Westgate ee Nairobi

Baardheere, September 23, 2013 – Kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-Qaacida ayaa shaaciyey magacyo dhowr ah oo ay ku tilmaameen in ay yihiin dadka ku jira gurriga Westgate ee magaalada Nairobi, waxaana qoraalka lagu shaaciyey in ay badankood ka yimaadeen dalalka qurbaha.

Booliska iyo meleteiga Kenya oo kaashanaya ciidamo ka tirsan kuwa Srael ayaa waxaa u suurta-gashay in ay hal meel isugu geeyaan kuwa weerarka ku soo qaaday gurriga ganacsiga ee Westgate, balse kooxda ayaa dadka ay haysato iyo iyagaba hal meel isugu tegay.

Twitterka Al-shabaab ayaa lagu shaaciyey magacyada in kastoo xalay la xiray boggooda, waxay sheegeen in howl-galkaan ahaa mid qorshaysan oo si aad ah looga shaqeeyey, Afhayeen Abu Muscab oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xaqiijiyey qoraalka la dhigay Twitterka.

Taliska howl-galka ka socda Westgate ayaa sheegay in ay dhowaan soo afjari doonaan howsha dabada dheeraatay iyo badbaadinta dadka ku jira gurriga iyo qabqabashada kooxda ka tirsan Al-shabaab ee gacanta ku haya suuqa in ka badan 48 saacadood.

Akhriso magacyada wiilasha dhalinyarada ee qabsaday suuqa Westgate.

1. Sayid N. ka yimi Kismayu, Somalia.

2. Zaki Jama C., ka yimi Hargeisa, Somalia

3. Said D., ka yimi Damascus, Syria

4. Mohamed B., ka yimi Aleppo, Syria

?

5. Qasim Said M., ka yimi Garissa, Kenya

6. Ismail G., ka yimi Helsinki, Finland

7. Ahmed Nasir S., ka yimi London, UK

8. Mustafa N., kayimi Kansas City, US

9. Abdishakur Sheikh H.,ka yimi Maine, US

10. Abdifatah Osman K., ka yimi Minneapolis, US

11. Ahmad Mohamed I., ka yimi Saint Paul, US

12. Abdikarem Ali M., kayimi Illinois, US

13. Shafie D., ka yimi Tucson, US

14. Abdirazak M., ka yimi Ontario (Canada)

15. Eliko M., ka yimi Dagestan, Russia

16. Mohammed A., ka yimi Svalov, Sweden

17. Moulid A., ka yimi Sweden

?

?????????????????????????????????? DHAMAAAD

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com