Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Sarkaal ay nolosha ku Qafaasheen

Axad, Oktoobar 11, 2015 (Daljir) — Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa soo bandhigay Sargaal ay Magaciisa ku sheegeen gaashaanle sare Muxamad Xaaji Cali oo Duleedka Afgooye ay ka Qafaasheen asaga oo nool.

Sawiro laga soo qaaday sargaalkaan ay Al-shabaab sheegeen inuu ka tirsan yahay Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Muujinaya Askari Xiran Dharka lagu yaqaano Ciidamada Milatariga Dalka oo ay ka danbeeyaan ilaa Afar Rux oo hubeysan islamarkaana Xiran isla Dharka lagu yaqaano Ciidamada Xoogga Dalka,balse Afku uu u duuban yahay.

Al-shabaab waxaa ay leeyihiin gaashaanle sare Muxamad Xaaji Cali waxaa uu Hogaamiye u ahaa ilaa 500 oo Askari oo Gobolka Shabellaha Hoose ku sugan.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka wali kama hadlin waxa ka jira Run iyo been Sargaalka ay Al-shabaab leeyihiin Nolasha ayaan ku qabanay inuu ka tirsan yahay Ciidanka Dowladda,mana jirto Cid Madax banaan oo xaqiijin karta Jiritaanka warka Al-shabaab.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com