Al-shabaab oo sheegatay qaraxii Gaalkacyo iyo tirada dhimashada oo lashaaciyay

Al-shabaab oo sheegatay qaraxii Gaalkacyo iyo tirada dhimashada oo lashaaciyay

Inta laxaqiijiyay qaraxii xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo waxaa ku dhintay Illaa lix ruux oo dad rayid iyo askar isugu jiray, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Ciidanka Lugta ee xoogga dalka Gen. C/xamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha qeybta 21aad Gen. Qooje ayaa ka badbaaday qaraxa, waxaana xilliga qaraxa dhacayay ay ku sugnaayeen gudaha Hotelka.

General Cabdi Xamiid  ayaa waxaa uu sheegay in weerar lagu soo qaaday Kolonyo uu la socday isaga iyo Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidanka xooga dalka xili ay ku sugnaayeen afaafka hore ee Hotel ku yaalla Gaalkacyo.

Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaasi.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    ALSHABAB WAA MARAYKAN.
    MARAYKANA WAA ALSHABAB.
    ALSHABAB+CIA+MI6+UNSOM+AMISOM=ONE.
    ISIS=ISRAEL SECRET INTELLIGENCE SERVICES.
    DHIIGA SHACABKU WAA MASHRUUC!!!!.
    WHITE HOUSE & DOWNING STREET NO-10.BAA UGU WACAN INUU DAATTO DHIIGA SHACABKA SOMALIYED EE MASAAKIINTA AH!!!!.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com