Al-shabaab oo Sheegatay Qarax Ay Seddex Qof ku Dhinteen oo Xamar ka Dhacay

Bacaadweyn, Maarso 09, 2016 (Daljir) —Alshabaab ayaa qiratay mas’uuliyadda qaraxaasi oo saakayto ka dhacay meel ku dhow Xarunta Gaadiidka Boliska oo ku taalla Degmadda C/casiis.
 
Qaraxaasi waxaa lagu dilay ugu yaraan 3 Sarkaal oo ka tirsan Boliska, iyadoo dhowr kalena ku dhaawacmeen.
 
Telefishinka Aljazeera ayaa baahiyey inay Alshabaab u xaqjiiyeen mas’uuliyadda qaraxaasi oo ay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa la beegsadeen
 
Maqaayad laga cabo Shaaha, oo u dhow Xarunta Gaadiidka Boliska.
 
Dhinaca kale, Saraakiisha ku geeriyootay qaraxaasi waxaa ka mid ahaa Taliyaha Saldhigga Boliska Suuqa Bakaaraha iyo Taliye-xigeenka Boliska Degamdda Hawlwadaag.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com