Al-shabaab oo shaaciyey in ay beegsan doonaan xaruumaha dowladda,ciidanka iyo kuwa Hay?adaha

Baraawe, Aug 12, 2013 – Ururka Al-shabaab ayaa baahiyey qorshe cusub oo ay degniin ugu dirayaan dadka magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, Kooxda Al-shabaab ayaa markaas ku hanjabay in ay fulin doonaan weeraro cul culus

Kooxda waxay sheegeen in loo baahan yahay in ay bad-baadaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho, isla markasna waxay ka digeen saameyn in ay ka gaarto shacabka weerarada ay fulinayaan.

Afhayeenka dhanka howgalada u qaabilsan ururka Al-shabaab sheikh Cabdi casiis Abu Muscab ayaa warkaan sheegay, wuxuu ka digay in ay dadku u dhowaadaan xaruumaha Dowladda, kuwa hay?adaha Qaramada Midoobey, iyo xaruumaha ciidanka ee kala duwan.

? Mar kasta ayaan weeraro ku qaadaynaa halkaas, waa ilaha ugu muhiimsan ee aan weerari doono, marka si aysan dhibaato idii kaa gaarin ka fogaada? ayuu yiri Abu Muscab

Hadalka kooxda Al-shabaab ayaa ku qotoma weeraro hore oo ay Muqdisho ka geysteen kooxda, kuwaasi oo lala eegtay xaruumo caalami ah oo caasimada ku yaala, isla markaasna ay dad rayid ah waxyeelo ka soo gaartay weeraradaasi.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com