Xog: Al-Shabaab oo qorshayneysa qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu qaado Nayroobi

Xog: Al-Shabaab oo qorshayneysa qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu qaado Nayroobi

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay hay’adahadeeda ammaanka ka warheleen in al-Shabab ay qorsheynayaan weerarro ka dhaca xarumo waaweyn oo ku yaalla Magaaladaas.

Saraakiisha Amaanka Kenya ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-shabab ee qorsheynaya weerarkaas uu hoggaaminayo Ahmed Harith Mahmoud, kaas oo saaxiib dhow la ah Ahmed Iman Ali, oo ka tirsan hoggaanka sare ee Al-shabab una dhashay Kenya.

Meelaha Hay’adaha sirdoonka heleen in la weerarayo waxaa ka ka mid ah dhismaha Times Tower, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda iyo meelo kale oo bartamaha Nairobi ku yaal.

Ciidamada ayaa helay warqad ay ku qoran yihiin goobaha la doonaayay in la weeraro, waxaana halkaas la geeyay ciidamo dheeraad ah.

Weerarka ayaa la sheegay in la qorsheynayo 28ka Bishan Aktoobar oo ku beegan maanta oo Axad ah illaa 4ta November inta u dhaxeysa.

Ciidamada la dagaallanka argagixisada ee Nairobi ayaa heeggan sare la galiyay, waxaana ay sugayaan ammaanka magaalada.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com